Shukaansiga iyo sheydaaminta haweenka!

Waxaa qorey Cabdi Ismaaciil 04/07/2017

shaaarib

Dadka daneeya xiddiguhu waxay ku doodaan in meeraha al-Suhra (=Venus) uu yahay kan meerayaasha oo dhan ugu qurxoon. Imaam al-Tabarina (838-923) buuggiisa tafsiirka ah wuxuu ku xusay in saxaabigii Cabdullaahi bin Cumar (RC) mar walba oo uu arko al-Suhra uu nacladi jirey, uuna oran jirey: “Waa tan midda fidnaysay Haaruut iyo Maaruut/هذه هي التي فتنت هاروت وماروت”.

Sheeko-xariirtaan oo la sheego in asal ahaan lagu xusay diinta Saraadashtigu waxay leedahay sidatan: waxaa jirey labo malag oo la kala oran jirey Casaasiis iyo Shamxasaay ama Haurvatat (=Haaruut) iyo Ameretat (=Maaruut). Habeen habeennada ka mid ah, labadaan malag waxaa ku diday dareen shahwo oo aad u daran, waxayna go’aansadeen in ay dhulka u qaraab tagaan. Kolkii ay soo degteenna waxay ka heleen gabar qurux badnayd oo la oran jirey Astiir (=Cashtaar ama Aphrodite), gabadhiina waxay u ballan-qaadday in ay damacooda uga dhabayn doonto haddii ay baraan magaca Alle ee weyn ee samada lagu tafo.. way u sheegeen, laakiin way ku ballan-furtay, waxayna u sheegtay in ay tahay qof dhowrsoon oo aan sina arrinkaasi uga suuroobin. Intaa ka dib, gabadhii waxay u duushay samada, Ilaahna wuxuu abaal marin uga dhigay in uu xiddigaha ku daray. Waana taas tan iyo maanta meerayaasha oo dhan ugu sidata, ishii daymootaana aysan ka jeensanayn.

Sheekada iyo warka laga wariyey Cabdullaahi bin Cumar run iyo been kay doonaan ha ahaadeene, waxaa jira rag badan oo ka mid ah wadaaddada diimaha oo ku dooda in walxaha qurxooni ay xuska Alle dadka ka mashquuliyaan. Walxaha qurxoon ee wadaaddadaasi ay sida gaarka ah u colaadiyaanna waxaa ka mid ah wajiga haweenka.

Waxaa jira baaritaanno tusinaya in guud ahaan haweenku ka diin jecel yihiin ragga, xarumaha cibaadada diimaha badankooduna ay ku taagan yihiin taageerada maaddiga ah iyo tan macnawiga ah ee ay ka helaan haweenka (tusaale ahaan, halkaan ka eeg warbixin uu diyaariyey mac-hadka PEW oo xaruntiisu tahay Washington, DC: http://www.pewforum.org/2016/03/22/the-gender-gap-in-religion-around-the-world/ )[i]. Taa oo jirta, haddana qaar badan oo ka mid ah wadaaddada diimaha kala duwani- gaar ahaan wadaaddada diimaha Ibraahiimigu- waxay rumaysan yihiin in haweenku yihiin macallinka Ibliis wax u meeriya. Waana tii ay ku been-hawaaseen “Sheydaanku shaqada ku adkaata dumar buu u dirsadaa!”. Sida la ogyahayna Ibliis towbad ma leh, xaawaleyduna ardaygooda waa ka sii xagjiraan, oo waa cawro fitno iyo fasaad la soo taagan.

Sheydaaminta haweenku waa dhaqan ummadaha adduunka badankoodu- haddiiba aysan ahayn dhammaantood- ay wadaagaan, xooggeeduse wuxuu salka ku hayaa oo ay ka soo jeeddaa sheekooyinka diimuhu siyaabaha kala duwan u tebiyaan ee ay ugu caansan yihiin labada sheeko ee lagu kala magacaabo sheekada abuurka (The story of creation/قصة الخلق) iyo sheekada denbigii ugu horreeyey (The first or original sin/الخطيئة الأصلية).

Sheekada koowaad waxay sheegaysaa in Xaawo laga uumay feer qalloocan oo uu leeyahay Aadan oo isaga Rabbi isu ekaysiiyey. Ujeeddada Xaawo loo uumayna sheekadu waxay ku sheegaysaa in ay tahay si ay Aadan u maaweeliso, oo caajiska iyo carada uga ilaaliso. Sheekada labaadna waxay Xaawo ku tilmaamaysaa in ay tahay midda Aadan duufsatay ee ka mas’uulka ah hoogga isaga iyo warasadiisu ay dunida kula kulmayaan, ka dib markii ay sabab u noqotay in laga cayriyo jannadii Eebbe asalkii hore ku abuuray. Sidaa awgeedna, Xaawo iyo gabdhaheeda waxaa ku waajibay in ay weligood u heellanaadaan ka maqsuudinta Aadan iyo barbaarta ka beermay.

Xaawo kolkii ay Aadan cunsiisay geedkii loo diiday, jannadana dibedda looga soo xooray, muddo waxay ku jirtay baadigoobka Aadan, hayeeshee kolkii ay aragtay dhulka ayay isku dhufatay iyada oo iskhaafinaysa, iskana dhigaysa ruux danaheeda ku mashquulsan oo aan isaga dan iyo hello toona ka lahayn. Tan iyo maalintaasna Xaawo iyo gabdhaheeda waxaa dhaqan u noqday dhagarta iyo ku dheelidda ilmo Aadan, labkana waxaa ku laasimay in ay ka foojignaadaan dhibka xaawaleeyda. Waxaana xusid mudan, in marka keliya ee Carabtu u garaabaan Yahuudda ay tahay marka meesha haween soo galaan. Miyeydaan maqal Carab iyo Muslimiin badan oo si murugo leh ugu cataabaya: “Ka digtoonaada dumarka! Fitnadii ugu horreysay ee Israa’iilida qabsatay waxay ahayd mid uga timid dhanka dumarka /اتقوا النساء، فإن أول فتنة بني إسرائيل كانت في النساء”.

Dhowr maalmood ka hor, magaalada Qudus, maxkamad ayaa waxay gaadhay xukun dhigaya in shirkadda duullimaadka dalka Israa’iil ee ELAL (=AlCaal) ay hadda ka dib ka reebban tahay in qof dumar ah kursigeeda looga kiciyo wadaad xag-jir ah dartiis. Diyaaradda muddo dheer waxaa culays ku hayey wadaaddada xagjirka ah oo marar badan diida in ay ku fariistaan kursi ku xiga kursi ay ruux haween ahi ku fadhido. Duullimaaddada diyaaradda, siiba kuwa u kala goosha Israa’iil iyo USA iyo Israaiil iyo Uk, waxaa si joogto ah ula soo darsayey dib-u-dhac ku yimaada waqtiga duulitaanka oo ka dhasha cabasho iyo muran ay abuuraan wadaaddada xagjirka ah oo diida in ay ku fariistaan kursigii ay diyaaradda ku lahaayeen, iyaga oo qiil ka dhiganaya in kursiga ku xiga uu ruux haween ahi ku fadhiyo.

Xukunka maxkamadda oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah, waxa uu yimid ka dib markii ay shirkadda dacweysey haweenay 83 jir ah oo lagu magacaabo Renee Rabinowitz, ka dib markii shaqaalaha diyaaraddu ay waydiisteen in ay ka kacdo kursigii ay diyaaradda ka fadhidey iyaga oo isku dayayey in ay raalli geliyaan wadaad seef la bood ah oo diiday in uu ku fariisto kursi u dhow mid dumar ku fadhiyo.

Murwo Rabinowitz waxay ku fadhidey kursi ka mid ah kuraasta qaybta heerka ganacsata (=business class) ee diyaaradda ElAl oo samaynaysey duullimaad u dhexeeyey Maraykanka iyo Israa’iil, markii shaqaalaha diyaaraddu ay waydiiyeen in ay fariisato kursi aan ahayn kii ay xaqa u lahayd, sababtana ay ku macneeyeen in wadaad ku qoran kursiga keeda ku xigaa uusan doonayn in uu ku fariistu kursi haween deris kula tahay.

Maxkamaddu waxay amartay in shirkaddu Murwo Rabinowtiz ay magdhow ahaan u siiso lacag dhan 6,500 oo Sheekal oo u dhiganta USD 1838. Hayeeshee, Rabinowtiz waxay sheegay in sababta dacwada ku bixisay aysan ahayn sabab dhaqaale, balse ay tahay mid mabda’ ku dhisan oo ay ka dhiididay faquuqa lagu samaynayo haweenka. Waxay intaa raacisay in ay tiri: hadda ka dib ma jirayso haween kursi looga kiciyo wadaad darti. Hadda diyaaradaha waa ka mamnuuc in ay wadaaddada madax-falluuqa qaba gacan ku siiyaan in haweenay la kiciyo. Nin waa laga yeeli karaa inuu haweenay sidaa ka codsado, laakiin hadda ka dib uma bannaana in uu shaqaalaha diyaaradda weydiisto in ay arrinkaas gacan ku siiyaan.”

Shirkadduna dhankeeda waxay sheegtay in ay sharcigaas u hoggaansami doonto, shaqaalaheedana ay ku baraarujin doonto siyaasadda shirkadda ee arrinkaan ku aaddan (Sheekada oo dhan halkaan ka akhri:

http://www.timesofisrael.com/in-landmark-ruling-el-al-ordered-to-end-policy-of-asking-women-to-move-seats/ ).

Qoraagii reer Masar ee la oran jirey Towfiiq al-Xakiim buuggiisa “Alle I tusi/أرني الله”, wuxuu isku weydiiyey su’aal oranaysa: Haddii Ibliis damco in uu towbad keeno halkee buu aadayaa? Xakiim wuxuu sawir ka bixiyey Ibliis oo go’aan ku gaaray inuu towbad keeno oo gaaracaya albaabada wadaaddada ugu sarreeya diimaha Yahuudiyadda, Kirishtaanka iyo Islaamka.

Ibliis markii koowaad wuxuu garaacay albaabka Xaakhaamka ugu sarreeya diinta Yahuudda, wuxuuna u sheegay in uu doonayo in uu towbad keeno. Xaakhaamkii wuxuu ku yiri: Ma waxaad doonaysaa in aad Yahuudi noqoto? Wuxuu ugu warceliyey: waxaan doonayaa in aan Alle ku xirmo! Xaakhaamkii xoogaa buu fekeray, wuxuuna iskula hadlay: haddii Alle Ibliis cafiyo, oo dhulka shar ka dhammaado, maxay baa Yahuuddu ummadaha kale ugaga duwanaanayaan, oo ay ku mudanayaan in ay noqdaan shacabka Alle doortay? Haddii taasi dhacdo oo Ibliis towbad keeno waxaa meesha ka baxaysa sababtii Eebbe Israa’iili ummadaha kale uga doortay, hantidooda iyo hey’adahooda maaliyadduna waxba tari maayaan. Dabadeed, Xaakhaamkii wuxuu Ibliis ku yiri: Annagu haddaan Yahuud nahay dhaqankayaga kama mid ah in aan diintayada dad kale ugu yeerno, ee fadlan diin kale raadso haddii towbad keenku dhab kaa yahay.

Ibliis isaga oo murugaysan ayuu ka tagay Xaakhaamkii, wuxuuna tagay Faatikaanka, wuxuuna dhegaystay Boobka iyo xertiisa oo Kaniisadaha ka akhrinaya wacdi sheegaya: in Maryanta dhowrsani ay dhashay wiil ay u bixisay Yasuuc, maxaa yeelay ummaddiisa ayuu denbiyada ka badbaadinayaa. Ibliis wuxuu dhegaystay gabayo Ciise lagu ammaanayo oo sheegaya inuu u yimid si uu aadanaha denbiyada uga dahiro. Intaa ka dib, Ibliis wuxuu hor istaagay Boobka, Boobkuna wuxuu ku yiri: War nacalad-qabayahow maxaad doonaysaa oo halkaan ku keenay? Wuxuu ku jawaabay: shey kastaa wuxuu leeyahay waqti uu dhammaado, waxaana doonayaa in aan iska daayo canaadka iyo madax-adayga oo aan Alle u towbad keeno.

Boobkii wuxuu yiri: War ma adiga oo Ibliis ah ayaa doonaya in uu diin qaato? Ibliis wuxuu yiri: miyaan Masiix oran: “Samada hal denbiile oo towbad keenay ayaa looga dabbaal-degid badan yahay sagaashan iyo sagaal aan denbaabin?”. Boobkii waa baa ku baryey, wuxuuna iskula hadlay: “ Maya.. Maya.. taasi ma dhici karto, haddii Ibliis towbad keeno maxay ku danbaynayaan kaniisadaha iyo Faatikaanku? Hantida iyo sharaftu ma sii jirayaan? Maxaa dadka lagu wacdinayaa? Kaniisaddu ma aqbali karto codsigaaga ee saaxiib naga raalli ahow!

Ibliis ma quusan, ee wuxuu aaday masjidka iyo jaamacadda As-har, wuxuuna la kulmay Shiikha As-har oo ka dhegaystay ujeeddada uu ugu yimid. Shiikhii As-har markii uu dhegaystay codsiga Ibliis wuxuu ku yiri: War ma adiga oo sheydaan ah ayaa doonaya in uu towbad keeno, oo uu iimaan yeesho? Ibliis wuxuu yiri: miyaan towbad keenku wanaagsanayn, dadkuna xaq u lahayn in ay diinta Alle koox-koox u soo galaan, Eebbana uusan quraanka kariimka ah ku oran: “Markuu yimaado gargaarka Eebbe iyo furashadu, oo aad aragtid dadka oo diinta Eebbe kooxo u soo gali, u tasbiixso Eebbe adiga oo ku mahadin denbidhaafna weydiiso.”

Wadaadkii wuxuu iskula faqay: haddii Sheydaan towbad keeno sidee quraanka loo akhrinayaa? Dadku weedha “Acuudi Bilaah mina Sheydhaani Rajiim” maxay ku beddelanayaan? Ibliis markuu islaamo ka dib maxaa magac looga dhigayaa oo loogu yeerayaa? Dadku denbiyada iyo eedaha ay galaan yaa loo saarinayaa/xanbaarinayaa? Wadaaddaduse maxay qabanayaan oo meherad ka dhiganayaan? Ugu dambayntii shiikha As-har Ibliis wuxuu ugu cudurdaartay in codsigiisu uu awooddiisa dhaafsiisan yahay, hawsha loo igmadayna uu ka hor-imaanayo.

Dabadeed, Ibliis isaga oo quus jooga ayuu samada u duulay, laakiin wuxuu dhexda kula kulmay Jibriil oo u sheegay in uu ka soo hormaray waqtigii la filayey, xilkiisiina uusan wada gudan, kuna amray inuu dhulka ku noqdo si uu u guto waajibka loo igmaday, waayo? Wanaag lama garanyo haddaan xumaan la aqoon, xaqna ma jirayo haddaan baadil jirin, iftiinkana lama qiimaynayo haddaan mugdi la arag, caddaanna lama sheegayo haddaan madow la aqoon. Waa lagama-maarmaan in Ibliis dhulka joogto inta aadamigu tilmaamahaas u baahan yihiin. Ibliis wuxuu dhulka ku soo noqday isaga oo leh: muxubada aan Alle u qabo darteed ayaan dhulka ugu noqonayaa, xilkaygana u gudanayaa, wuxuuna ku qaylinayey “Waxaan ahay shahiid, waxaan ahay shahiid, waxaan ahay shahiid!” (Sheekada Tawfiiq Xakiim oo dhan halkaan ka akhri: file:///C:/Users/User/Downloads/%D8%A3%D8%B1%D9%86%D9%8A%20%D8%A7%D9%84%D9%84%D9%87%20(1).pdf ).

Ku Allahoode, waxay kaloo wariyeen in Ibliis abidkii mar qura towbad keenay, uuna muddo maalmo ah dunida ku noolaa isaga oo u eg, una dhaqmaya sidii barbaar bilicsan. Hayeeshee, galab galbaha ka mid ah ayuu wuxuu la kulmay gabar cajab gelisay, wuxuuna damcay in uu shukaansado, laakiin ayaandarro wuxuu garan waayey xeelad uu qalbigeeda ku kasbado, dabadeed wuxuu xal moodey inuu ku noqdo xaaladdiissii sheydaannimada. Laakiin kolkii uu ku noqday xaaladdii sheydaannimada wuxuu yeeshay muuqaal foolxun oo gabadhii ka didday. Inta la ogyahayna sheydaan markaas oo qura ayuu towbad keenay, maalintaasna xaawaley ayaa sheydaannimadii ku celisay.

Iyada oo kooban, bilis-xaawo sheydaan iyo malaa’ig toona ma aha, shaaribkuna laboodka xaq u siin maayo in ay haweenka caqligooda iyo codkoodaba cawro ku sheegaan, dabadeedna sida ay doonaan ay u sawiraan. Qofku waxa uu haysto oo dhan waxaa ugu qaalisan caqligiisa iyo caqiidadiisa, marka labadaas la dhayalsadana ma harin curyaamin kale oo ruux loo geystaa.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

sismail42

[i] Baaritaankaan waxaa lagu ogaaday in Islaamka iyo xagjiriinta Yahuuddu ay yihiin labada diimood ee dunida oo dhan raggu ay haweenka ummuuraha diinta –tusaale ahaan salaadda iyo sadaqada-ka badsadaan

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s